Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta Waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ka Guddoomay lix Gaari oo nooca aan Xabadda karin kuwaas oo loogu talagalay in lagu qaban doono howlaha Wasaarada Gaashaandhigga.
Gaadiidkani ayaa Wasaaradda ugu deeqday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga, taasi oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu talagashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,si ay ugu qabato adeegyada muhiimka ah ee bulshada ay u hayso Wasaaradda.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Wasiirku Dowladda Mareykanka sida ay u garab taagantahay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,oo dagaal kula jira Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.