Maanta 30-ka September 2018, ayaa Muqdisho looga dhawaaqay Midowga xildhibaanadii Qabyo ee taagerayaasha madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Xisbiga Daljir, iyadoo lagu dhisay xisbiga cusub ee MIDOWGA NABADDA & DIMUQRAADIYADDA.
Waxaa xisbigan ku mideysan xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo xubno siyaasiyiin hore ah, waxaana kulankii maana oo guddoomiye KMG ah loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud kasoo qeybgalay 200 oo ergo ah
Ololaha sameynta xisbigan ayaa muddo dheer soo socotay waxaana wararku sheegayaan in loo diyaariyey qorshe inta aan la gaarin 2020-ka la doonayo in ciriiri lagu geliyo ama xilalka looga qaado madaxda hadda xilka heysa.
HOOS KA DAAWO KHUDBADA GUDDOOMIYAHA UPD XASAN SHEEKH MAXAMUUD