Dadka degmada Qardho ee Gobolka Bari ayaa welwel ka muujiyay dhulka calaamado lagu arkay duleedka magaalada oo ah inuu dhulku yeeshay jeexdimo godad ah.Waxay dadku arkeen iyadoo meel u dhow magaalada uu dhulku kala jeexmay ayna ka sameysmeen jeexdin u eg inuu dhulku kala qeybsamayo, taasoo keentay cabsi weyn oo dadku degaankaasi gashay.
Lama oga sababta keentay jeexdimaha iyo godadka lagu arkay degmada Qardho mana jiraan khubaro arrintaas u kuurgashay, waxayse noqotay arrin la hadal hayo oo welwel iyo cabsi laga mujiiyay.
DAAWO SAWIRRO
Wadani