Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo afjaray weerarkii ugu waqtiga dheeraa ee maleeshiyada Al-Shabaab ku qaado dhismooyin iyo Hoteelo jku yaala waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdihso.
Weerarkan oo isugu jiray qaraxyo iyo maleeshiyo gashay dhisme ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ayaa qaatay muddo 20 saacadood ka badan, waxaana la dilay dhammaan dableydii Alshabaab, iyadoo qasaaraha uu geystay uu sii kordhay.
Waxaa la xaqiijiyey in weerarka iyo Qaraxii koowaad ay ku dhinteen ugu yaraan 35 qof, halka dhaawaca ku dhow yahay 100 qof, iyado meydad laga soo bixiyey burburka dhismooyinka la qarxiyey.
Qarax ayaa geystay burbur xoog leh, afaafka hore ee dhismayaasha qaraxa uu saameeyay waxaa ka muuqda bur bur xooggan, gaadiid goobta yaalla oo dadkii watay ay qaarkood yaalaan Isbitaalada Muqdisho, waxaana laamiga ka muuqda dhiig fara badan.
Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa bilowday inay nadiifiso burburka iyo wadadadda, shaqadaas oo muddo qaadan doonta, waxaana weerarkan uu ahaa mid saameyn badan ku yeeshay dadka Muqdisho.
SAWIRRO





