Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/LLaahi Farmaajo oo maanta booqday magaalada Afgooye ee duleedka Muqdisho ayaa balanqaaday inay dowladda wax ka qaban doonto ammaanka degmada Afgooye.
Kulan uu la yeeshay waxgaradka iyo dadka Afgooye oo cabasho ballaaran ay soo jeediyeen ayuu ka sheegay in dow;adda Federaalka ay si degdeg ah wax uga qaban doonto amniga degmada.
“Waan dhageystay tallooyinkii ay ii soo jeediyeen iyo cabashooyinkii ay ila wadaageen odayaasha, culimada, haweenka iyo dhallinyarada Afgooye” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka garaabay dhibatooyinka amni iyo maamul xumo ee ay ka sheegteen reer Afgooye.
SAWIRRO