Puntland ayaa dab qabadsiisay lacago shilin Soomaali ah oo ay daabacday kadib markii ay dib ugu soo noqdeen lacagahaasi oo qasaare ka geystay Gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Wasarada Maaliyada Puntland ayaa magaalada Boosaso ku gubtay maanta lacag shilin soomali ah oo ay sheegtay inay faalso tahay, oo dhowaan lagu qabtay kantaroolka Boosaso.
Lacagtan la gubay ayaa gaareysa 600,500,000 [lix boqol oo malyan iyo shan boqol oo kun]. Masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Maaliyada Maamulka Puntland Cabdullahi Kaarshe iyo Masuliiyin kale ayaa ka qeyb galay Gubista lacagtan Shilin Soomaaliga oo la sheegay in laga keenay Koonfurta Soomaaliya.
Magaalada Boosaaso ayaa lagu daabacaa lacagaha aan sharciga ahayn ee Shilin Soomaaliya, waxaana dhowaan madaxweynaha Puntland uu sheegay in lacagtaasi ay tahay mid ay leedahay Puntland.
Daawo Sawirrada