Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaana ku wehliyay saraakiil ka tirsan ciidamada iyo madaxda dowladda Federaalka.
Kulamo ka dhacay xarunta madaxtooyada ku dhex maray Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa looga hadlay xaaladda howgalka AMISOM, arrimaha abaaraha iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
SAWIRRO
Wadani.com