Diyaargaow lagu aasayo 50 qof oo ku dhintay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ayaa ka socda dalka New Zealand, kadib markii dadkaasi oo muslimiin ahaa uu laayey nin caddaan cunsuri ah oo weerar ku qaaday Jimcihii.
Meydadka dadka dhintay ayaa waxaa haya dowladda New Zealand iyado baaritaanku socday labadii maalmood ee ugu danbeysay, waxaana la raadinayey dad la waayey, iyado la hubinayey tirada dadka dhintay oo xalay noqotay 50 markii uu geeriyooday qof ka mida dadkii dhaawaca culus qabay.

Magacyada iyo muuqaallada dadka dhintay ayaa la filayaa inay shaaciso dowlada New Zealand, waxaana saxaafadda dalkaasi ay faafisay qaar ka mida sawirrada dadka la dilay oo ay ku jiraan caruur, da’ ah iyo dhalinyaro intaba.
Mucaad Ibraahim

Mucaaad Ibrahim wuxuu ahaa wiil 3 sano jir ah oo la socday aabihii iyo walaalkii oo iska dhigay sida dad dhintay, laakin isaga waa cararray, waxaana markii danbe la helay meydkiisa, isagoo ku dhintay dhabta aabihii.
Abdullahi Adan Dirie

C/llaahi Diiriye waa wiil kale oo 4 sano jir ah, wuxuu ku dhintay weerarkii masjidka Alnur, sida uu sheegay aabihii, afar caruur oo uu dhalay ayaa ka baxsatay weerarka, laakiin C/llaahi oo ugu yaraa ayaa ku dhintay.
Qoyskan waxay Soomaaliya ka cararen 1990-kii iyadoo qaxooti ahaan ku tegay dalkaasi
Heba Sami,

Heba Sami, wuxuu ahaa wiil 12 sano jir ah oo weerarka lagu dilay, waxaana weerarka ku dhintay shan ka mida qoyskiisa.
Naeem Rashid

Naciim Rashiid wuxuu isku dayey inuu ninka weerarka geystay la dagaalamo oo kala wareego qoriga uu dadka ku leynayay, waxaana uu markii danbe dhintay dhaawac culus soo gaaray, sida uu sheegay wiilkiisa oo falkaasi ka badbaaday, wuxuuna kasoo jeeday dalka Pakistan.
Farhaj Ahsan, 30 jir

Farhaj Ashan oo 30 sano jir ahaa wuxu masjidka aaday Jimcihii, kadibna waa la waayey. wuxuu kasoo jeedaa dalka India. Wuxuuna ahaa Engineerqaabilsan barnaamijyada Computerka.
Atta Elayyan, 33 jir

Atta Elayyan wuxuu ahaa ciyaaryahan futsal, wuxuuna ku dhintay masjidka, wuxuu ku dahshay dalka Kuwait, dhowaan ayuu aabe noqday, wuxuuna ahaa nin si weyn looga yaqaan magaalada isagoo ka mida dadka leh shirkadda LWA Solutions.
Syed Jahandad Ali, 34 jir

Syed Jahandad Alia ayaa lagu waayey masjidka uu weerarku ka dhacay, waxaana xaaskiisa oo ku sugan Pakistan ayaa sheegtay inay akhbaartiisa la’dahay weerarka kadib, waxaa loo badinayaa inuu geeriyooday.
Haroon Mahmood

Haroon Mahmood, 40 sano jir ku sugnaa Masjirka Alnuur, wax war ahna laga waayey weerarka kadib. wuxuu markaas uun shahaadada PhD ka qaatay Jaamcadda Lincoln University.
Husne Ara Parvin,

Husne Ara Parvin, oo ahayd 42 sano jir waxaa la toogtay markii ay isku dayday inay badbaadiso seygeeda Farid Uddin oo Gaariga curyaamiinta saarnaa., waxay kasoo jeedaan dalka Bangladesh. saygeeda ayaa ka badbaaday weerarka waxaana qaaday dadkii kale ee masjidka yimid.
Haji-Daoud Nabi

Haji-Daoud Nabi, wuxuu ahaa 71 sano jir kasoo jeeda dalka Afghanistan, wuxuna ku jiray masjidka Al Noor Mosque marka weerarku dhacay, markii rasaastu haleeshay.
Linda Armstrong,

Lilik Abdul Hamid wuxuu ahaa 64 sano jir masjidka ayaa lagu dilay. Weli wacaalkii lama hayo, wuxuuna ka mid yahay dadka la waayey ee loo badinayo inay dhinteen.