Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho ayaa dhaliyey dab xoog leh oo ka kacay Gaariga, iyadoo uu waxyeelo u geystay gawaari kale iyo dad la socday.
Gaariga qarxay ayaa socday waddada u dhow Km4, halka looga laabto isgoyska Taleex, waxaana qaraxa lagu xiray oo ahaa mid xoog leh oo dhaliyey inuu dab qabsado gaariga, isla markaana uu waxyeello u gaarsiiyo dhowr gaari oo wadadda marayey oo uu ka mid yahay Gaari Caasi (Mini-Bus) oo aad ugu dhowaa gaariga qarxay.
Dabka ayaa cirka isku shareeray iyadoo dadweynaha goobta ka dhowaa ay u gurmadeen dadkii gawaarida ku xayirantay, waxaana halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah.
Wararka ayaa sheegay inuu qaraxa ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo gaariga watay, ayna ku dhaawacmeen ilaa 4 qof oo goobta ka dhowaa.




