Fahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar Qarax lala beegsaday ciidamo ka tiran mlateriga Midwoga Yurub ee taageera dowlada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Talyaaniga.
Ciidamadan ayaa la sheegay inuu qaraxu ku haleelay aghagaarka wasaaradda Gaashaandhigga magaalada Muqdisho oo ay howlo shaqo u tagaan, waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheegayan inuu jiro qasaare soo gaaray kolonyada iyo ciidamadii la socday.
Sawirro laga helay qaraxa ayaa muujinaya in qaraxu ahaa mid xoog leh oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin lo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Ma jiro war kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.