Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday ruux is-miidaamiye ah ayaa lala beegsaday Kolonyo ka tirsan CiidamADA AMISOM oo marayay degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho.
Gaariga Qaraxa loo adeegsaday ayaa haa NOAH, waxaana uu noqday mid gebi ahaan burburay oo aanay waxba ka harin, iyadoo Alshabaab ay sheegtay qaraxa, isla markaana ay sheegtay inay la beegsaday saraakiil ka tirsan Mareykanka oo la socday kolonyada AMISOM.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay oo kaliya qofkii is-miidaamiyay oo aanu jirin qasaare kale oo ka dhashay.