Shan qof oo uu ku jiro qofkii is-miidaamiyay ayaa ku dhintay 11 kale waa ku dhaawacmeen qarax caawa ka dhacay magaalada Boosaaso.
Dadka dhibtay ayaa kala ahaa: askari iyo saddex qof oo shacab ah goobta ku sugnaa xiliga uu qaruxu uu dhacay, waxaana sheegatay kooxda Daacish, sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee Acmaaq ee ay leeyihiin Kooxda ISIS.
Qaraxa ayaa lala beegsaday bar ciidan oo ay fadhiyeen Ciidamadda Puntland. Taliyaha Booliiska Gobolka Bari C/xakiim Yuusuf Muuse ayaa xaqiijiyay in 5 qof ay ku geeriyoodeen weerarkaasi, isagoo xusay in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu qaraxa ku dhintay iyo saddex qof oo shacab ah.
DAAWO SAWIRRO