Weerarkii koowaad ee shalay kooxda Alshabaab la beegsadeen KM 4 0, oo ku dhow xarunta NISA iyo Hotelka cusub ee Doorbin.
Burbur xoogan leh ayaa saaka lagu arkay goobtii uu qaraxa ka dhacay, iyadoo dhul balaaran uu saameyn ku yeeshay Hotelka Dorpin ee Magaalada Muqdisho oo dhowaan uun la furay, waxaa kaloo burbur xoog leh kasoo gaaray dhismihii cusbaa ee Wasaaradda Caafimaadka.
Qaraxaasi oo is-miidaamin ahaa ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 qof, iyadoo isla markii uu qaraxa dhacay laga qaada 18 qof oo meyd ah