Waxaa dalka Turkiga tababar ugu soo dhammaaday qeybtii 7-aad ee Ciidamada Kumaandooska Milateriga Soomaaliya ee Gorgor.
Ciidamadan ayaa la baray la howlgelinta Ciidamada kale, Colaadaha & farsamooyin dagaalka, sida uu sheegay Gen. Maxamed Maxamuud Garabey oo Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga u qaabilsan arrimaha ciidanka.
Saraakiisha Militariga Turkiga ee tababarka siisay ciidamadan ka mid noqonaya Kumaandooska Soomaaliya ayaa xaflad lagu soo xiray tababarka ciidan ugu qabtay Xerada Milateriga Gobolka Isparta ee Galbeedka dalka Turkiga.
Ciidamadaan ayaa lagu wadaa in loo soo dhoofiyo Magaalada Muqdisho, iyadoo ku biiri doona ciidamadii ka horeeyay ee kumaandooska Turkiga tababarray, waxayna qeyb ka yihiin heshiiska milateri ee dhex maray Soomaaliya & Turkiga.



