Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqasho aan la shaacin ku yimid maanta magaalada Muqdisho xilli magaalada ay bandow ku jirto, ammaankana si weyn loo adkeeyay.
Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladda, waxaana la sheegayin in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu maanta joogi doono magaalada, isagoo kulamo la yeelan doono madaxda dalka.
Waxaa loo sameeyay soo dhoweyn heer sare ah, iyadoo ay Soomaaliya ka mid tahay dalalka deriska la ah itoobiya oo dhammaan Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi uu booqday.
Dr Abiy ayaa xirnaa dhar sufushaari ah oo ah kan ay siyaasiyiinta Soomaalida inta badan xirtaan, waxaana la socday wafti balaaran, isaga oo ubax ay qoorta u sureen hablo yaryar oo loosoo xirey dharka hiddaha iyo dhaqanka.
Roog cas ayaa loo fidiyay, isaga oo korey meel dhulka ka saraysa oo la surey calamada Itoobiya iyo Soomaaliya, halkaas oo uu la istaagay madaxweyne Farmaajo.
Kooxda muusiga ee baambayda ayaa u garaacday heesta calanka Itoobiya, taas oo ka mid ah hab maamuuska.
Dhaqdhaqaaga garoonka Aadan Cadde ayaa caadi u muuqday, iyada oo la arkayay diyaarado ka haadaya garoonka, xilliga ay munaasabadda soo dhaweynta socotay.
DAAWO SAWIRRADA