Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.
Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheye iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa inta uu joogo dalka Turkiga kulamo la yeelan doona madaxda dowladda Turkiga, iyadoo lagu wado in heshiisyo ay kala saxiixdaan labada dal.
“Maalmaha aan joogo Dalkani Turkiga waxaan kala hadli doonaa Madaxda ugu sarreysa dalka sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dawladood isla markaana Dawladda Turkigu uga qeyb qaadan lahayd horumarka Soomaaliya ka socda iyo la dabar goynta argagixisada…” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha oo ka mahad celiyay sidii loogu soo dhoweeyay magaalada Ankara.
SAWIRRO