Xubno uu hogaaminayo sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta booqday xarunta KMG ah ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku shaqeyn doono.
Xaruntan oo Turkigu ugu deeqay Aqalka Sare ayaa ka kooban hoolal shirar, xafiisyo iyo dhismooyin, waxayna ku taallaa degmada Shibis, magaalada Muqdisho, taasoo hore loogu asteeyay arrimo caafimaad.
Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ayaa uga mahad celiyey Turkiga sida uu u garab taagan yahay dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay baahi weyn u qabeen xarun ay ku shaqeeyaan.
Cumar C/rashiid waxaa kormeerkiisa ku wehliyay xildhibaanada Abshir Bukhaari, Cabdirisaaq Xasan Cismaan (Jurrile) iyo Cabdi Axmed Dhuxulow.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com