Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay wasaaradda maaliyadda iyo Dekadda magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay horumairnta hannaanka maaliyadda dalka,kaas oo ay ka qayb galeen wasiirka, wasiir ku-xigeenka, wasiiru dawlaha, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xisaabiyaha guud.
Ra’iisul wasaaraha XFS oo dhinaca kale tegay Dekadda Muqdisho, isagoo booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, waxa uuna kulamo la qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) iyo maamulka sare ee Dekadda Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara tuhun musuq-maasuq iyo maamul xumumo, waxa uuna bogaadiyay horumarrada ka socda dekadda eekeenay in dekadda ay kusoo xirtaan maraakiib ay leeyihiin shirkado caaalami ah.






