Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»SAWIRRO: Ra’iisal wasaarihii hore Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyay K/Afrika

    SAWIRRO: Ra’iisal wasaarihii hore Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyay K/Afrika

    September 22, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Munaasabad si weyn loo soo agaasimay ayna kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jira aqoonyahano, waxgarad, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo caruur oo kor u dhaafayay kumanaan kun, kumanaan kalana ay qaadi waysay goobtii loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

    Munaasabadaan oo ay ka hadleen xubno kala matalayay ururada Jaaliyaddaha Sooomaalida ee ku dhaqan sagaalka gobal ee dalkaani Koonfur Afrika uu ka kooban yahay ayaa ka codsaday mudane Farmaajo inuu noqdo musharaxa madaxweynaha Soomaaliya doorashooyinka lagu wado inay dhacaan sanadka 2016-ka. iyagoo u sheegay inay illaahey uga baryayaan inu ku guuleeyo xilka madaxweynenimada Soomaaliyeed, waxayna intaa ku dareen inay u arkaan inu yahay ninka kaliyah ee samata bixin kara ummadda Soomaaliyeed ee colaaduhu iyo maamul xumadu dib u dhigeen 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

    Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Koonfur Afrika danjire Jamaal Maxamed Barrow oo ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameenayay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan mas’uul xil culus ka soo qabtay dalka Soomaaliya oo booqasho ugu yimid jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaani Koonfur Afrika.

    Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo booqasho ku yimid dalka Koonfur Afrika oo ay ujeedadiisu tahay in midnimo iyo isfahan ay gaaraan bulshada Soomaaliyeed ee dunida dacaladeed iyo gudaha dalka kunool ayna u yeelan lahaayeen qaaraan qaran. Wuxuu intaa ku daray dib u dhaca Soomaaliya iyo sida wadamada Afrikaanka oo qaatay xoriyadooda Sooomaaliya kadib markii aan xorownay 1960-kii.

    Wuxuuna ku taliyay in looga daydo dowladahaas sida ay ku mideeyeen ummaddahooda oo ku kala duwan; diin, luqad iyo dhaqanba. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya oo wadaagta wax walba, waxay ku kala duwan yihiina ayan jirin inay 25 sano kadib ay u qeybsan yihiin reer reer, taasina ay tahay wax aad laga xumaado, howshaasna waxaa ka gaabiyay hogaanka Soomaaliya.

    This slideshow requires JavaScript.

    Dhanka kale wuxuu ku adkeeyay shacabka Soomaaliyeed ee Koonfur Africa inay gacan siiyaan safaaraddooda ayna la shaqeeyaan safiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay danjire Jamaal Maxamed Barow. Mudane Farmaajo kadib markii loo sameeyay xafladii soo dhaweynta wuxuu si gaar gaar ah ula kulmay, Howlwaeenada Safaaradda, ururada haweenka, dhalinyarada, odayaasha, ganacsatada iyo aqoonyahanada kuwaasoo uu ka dhageystay talooyinkooda ku aadan dib usoo celintii qaranimadii Soomaaliyeed, waxayna isla garteen inuu mar kale usoo noqdo uuna siiyo waqti intaan ka badan si aragti ballaaran ay usoo jeediyaan.

    Ugu danbeyn Mudane Farmaajo oo soo gabagabeeyay booqashadiisa ayaa faray in Jaaliyada Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan qaaraanka qaran ee ay ka qeyb qaadanayaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamo badan oo caalamka ah, ayna ka shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa qaranimada Soomaaliyeed.

    Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)

    E-mail: [email protected]

    Pretoria, South Africa

    [ad name=”HTML-7″]

    Farmaajo & Koonfur Afrika
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAxmed Madoobe oo dhaqan geliyay taladii Madaxweyne Xasan Sheekh, kuna laabtay Kismaayo
    Next Article Maxaa Wafdigii Madaxweynaha Puntland ka qabsaday Shirkii wadatashiga Muqdisho..? FAALLO

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo