Shirka Amniga Qaranka ayaa caawa ka fumay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb galyaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyda dalka & Gobolka Banaadir.
Shirka waxaa guddoomiyaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, K/Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle, waxaana ku wehliya Guddoomiyaha maamulka Gobolka banaadir.
Shirkan ayaa looga hadlayaa xaaladda ammaanka dalka, qorshaha amni ee hore loo qaatay iyo fulintiisa, wuxuuna hordhac u yahay shirka weyn ee Beesha caalamka oo Muqdisho ka furmi doonta.
SAWIRRO





![SAWIRRO: Shirka Amniga Qaranka oo ka furmay Muqdisho [Madaxda Maamul Goboleedyada & G/Banaadir oo fadhiya]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/12/Shirka-amniga-1024x399.jpg)