Shirka Golaha Amniga Qaranka Soomaaliya ee madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaa ka qeyb galaya madaxda maamul Goboleedyada dalka , Ra’iisal wasaaraha xukuumadda, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka, taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida iyo guddoomiyaha Maamulka G/Banaadir.
Shirkan ayaa intiisa badan looga doodi doonaa dhismaha ciidamada Qaran iyo isku dhafkooda, iyadoo maamul Goboleedyada ay wataan qorshooyin kale oo ku saabsan qeybsiga dhaqaalaha.
SAWIRRO






![SAWIRRO: Shirkii Golaha Amniga Qaran oo Muqdisho ka furmay [Akhriso Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/02/Shirka-amniga1-1024x375.jpg)