Nin Soomaaliyeed oo madaxa looga jiray ayaa lagu xukumay xabsi daa’im iyadoo loo dhaadhiciyay
xabsiga weyn ee Broadmoor kadib markii maxkamad la soo taagay.
Ninkan oo lagu magacaabo Muxyadiin Mire ayaa Disember sanadkii hore weerar ku qaaday nin 56 jir ah oo lagu magacaabi jiray Lyle Zimmerman, isagoo isku dayay inuu qoorta mindi uga jaro, xilli ay ka degayeen tareen ay kasoo wada raaceen Startford kuna socdad Leytonstone, laakiin waxaa ka badbaadiyo dadweyne goobta ku sugnaa, inkastoo dhiiga badan ka daaray ninkii uu weeray.
Muxyadiin waa 30 sano jir xaaladiisa maskaxiyadeed ay fiicneyn, waana nin buuq ku furan yahay oo aaminsan in la daba joogo, waxaana uu aaminsan yahay inay daba joogaan hay’adaha sirdoonka Ingiriiska.
SAWIRRO
DAAWO VIDEO