Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Gorod oo ku wada sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta furay wadooyinkii u xirmay dagaaladii magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha Milateriga Soomaaliya oo ay la socdaan madaxweynaha Galmudug, taliyaha ciidamada Puntland iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa tegay aagga lbada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ku dagaalameen sanadihii lasoo dhaafay oo wadooyin dhowr ah ku xireen, waxaana laga qaadya dhagaxyo iyo biro ku go’naa.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Madaxweyne Xaaf uu Gaalkacyo u tegay dadaal nabadeyn inkastoo aanu ku soo biiriin madaxweynaha Puntland oo la filyay inuu Gaalkacyo gaaro.
SAWIRRO