Wafdigii uu hoggaaminayey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka degay magaalada Dahraan ee Boqortooyada Sacuudiga.
Madaxweynaha oo ka qeyb galaya shir madaxeedka 29-aad ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa garoonka ciidamada ee magaalada Dahraan ku soo dhoweeyay Amiirka Gobolka Bari ee Sacuudiga Sucuud Bin Naa’if Ibn C/casiis iyo ku xigeenkiisa oo uu wehliyay Xogyaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Gheyd.
Magaalada Dahraan ee xeebta Badda cas ayaa loo wareejiyey Shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta oo la filayay inuu ka dhaco magaalada Riyaad.