Haween ka tirsan kuwa nadaafadda G/banaadir oo maanta lagu sumeeyay degmada C/casiis ayaa xaaladooda lagula tacaalayaa isbitaalka Hubaal ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ilaa 9 haween ayaa ku saamoobay kadib markii uu Gaari ay wateen Rag aan la garan ku buufiyey walxo loo maleynayo inay Sun yihiin oo keenay suuxdin iyo inay miir daboolmaan haweenkaasi oo ku guda jiray howl nadaafadeed.
Xaaladda haweenkan ayaa degan iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inaan weli la garan waxyaabihii loo adeegsaday ee lagu buufiyey.