Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socdaal rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka Carabta oo ah dalkii afraad ee uu booqdo intii uu xilka qabtay.Farmaajo ayaa booqday qabriga Sheekh Zayid oo ahaa asaasaha Midowga Imaaraadka Carabta, wuxuu kaloo shalay booqday Masjidka weyn ee Sheekh Zayid, isagoo la gudoonsiiyay kitaab ay soo saaro hay’adda Sheikh Zaid.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay dhaxal-sugaya Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayid, waxayna ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo taageerada la siinayo Soomaaliya.
SAWIRRO