Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa looga yeeray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo halkaasi uu ku sugan yahay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku maraya degaanada Puntland.
Waxaa galabta gaaray magaalada Garowe Wasiiradii ugu badnaa ee ka tirsan xukuumadda Federaalka oo uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana la filayaa inuu berri kulankii Golaha Wasiirada ka dhaco magaalada Garowe.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa golihiisa wasiirada ugu yeeray inay iska xaadiriyaan magaalada Garowe, waxaana uu shirkan noqonayaa kii saddexaad ee ka dhaca meel ka baxsan caasimadda Muqdisho, iyadoo hore ay ugu shireen magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhaba.