Weerar isugu jira Mindi iyo gaari la jiirsiiyay dad ayaa ka dhacay bannaanka dhismaha Baarlamaanka ingiriiska eeĀ Palace of Westminster.
Waxaa goobta ka dhacday rasaas ay fureen ciidamada booliska, iyadoo la xiray gebi ahaanba xarunta Baarlamaanka UK.
Qof ayaa la sheegay inuu Toorey ku weeraray askari boolis ah, kadibna uu toogasho ku dilay askari kale, waxaa kaloo la soo weriyay in gaari lagu jiiray dad goobta ka dhowaa, kaasoo dhaawacay 12 qof.
Booliska ayaa sheegay in weerarrada dhacay ay u heystaan kuwo argagixiso, inta caddeyn kale laga helayo. Dhimasho iyo dhaawac ah ayaa halkaasi ka dhacday, waxaana wadadda lagu arkay ugu yaraan 4 qof oo si xun u dhiig baxay. Haweeney ayaa la xaqiijiyay inay u geeriyootay dhaawacyo gaaray.
Ciidamo fara badan ayaa goobta la geeyay, waxaana diyaaradaha gargaarka degdega ah ay qaadeen dadka dhaawaca ah.
SAWIRRO
Wadani.com