Xildhibaanadii taageersanaa madaxweynaha xilka laga qaaday ee Cali C/llaahi Cosoble ayaa u wareegay dhinacii kale ee xilka ka qaaday madaxweynaha.
Xildhibaanadan ayaa waxaa ka mid ahaa xubno xalay sheegay inay xilka ka qaadeen guddoonka baarlamaanka oo isu magacaabay inay yihiin guddoon cusub.
Xildhibaanadan ayaa tegay goobtii uu ka socday shirka xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo uu guddoominayay Cismaan Barre Maxamed, iyagoo ka tanaasulay mowqifkoodii hore ee ay ku taageersanayeen Cali C/llaahi Cosoble.
SAWIRRO