Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saxafiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho loo diiday inay galaan soo dhoweyn Garoonka Muqdisho galabta loogu sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kasoo laabtay magaalada Kismaayo, isagoo ka mid ahaa madaxdii mamul goboleedyada ee ku shiray magaalada Kismaayo, kuwaasoo go’aansaday inay hakiyaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanno la tirsan labada gole ee federaalka oo u badan muraarad iyo kuwa maamulka Hirshabelle ayaa garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdidsho galabta kusoo dhoweeyay madaxweynaha Hirshabelle, isagoo markaas kadib khudbad u jeediyey xubnihii soo dhoweyntiisa ka qeyb galay ayuu si weyn u weeraray dowladda Federaalka.
Waare wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay lacag ku bixineyso sidii isaga loo ridi lahaa, isla markaana culeys gaara ay saartay maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug, wuxuuna si cad u sheegay inay ka yeeli doonin dhaqanka dowladda federaalka iyo faragelinta ay ku heysto maamulkooda.