Isku shaandheyn kooban oo lagu sameeyay hoggaanka degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa saxafiyad caan ka ahayd Muqdisho loogu magacaabay inay markii ugu horeysay guddoomiye degmo noqoto kadib markii wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Odowaa xilka looga qaadaya laba guddoomiye degmo laguna magacaabay kuwo cusub.
Guddoomiyihii degmada Hodon C/qaadir Cali Kulane oo muran badan ka taagnaa qaabka uu degmada u maamulo iyo tallaabooyin uu dadka degmadaasi ku soo rogay aya xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana xilkaasi loo magacaabo gabar saxafiyad ahayd oo lagu magacaabo Xaawa-kii Maxamuud Cali. Sidoo kale waxaa xilka guddoomiyaha degmada laga qaaday guddoomiyaha degmada Dharkeynley Aadan Maxamed Cumar iyadoo loo magacaabay ku xigeenkiisii Cumar Meyre Macow.
Xaawa-kiin ayaa kasoo howlgashay idaacado dhowr ah oo Muqdisho ku yaala, waxayna xubin firfircoon ka ahay ururada saxafayiinta siiba kuwa gabdhaha.
Wareegtada wasiirka arrimaha gudaha hoos ka akhriso
[ad name=”HTML-2″]
[ad name=”HTML-4″]
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]