Saxafiyiinta howlgala magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay hab-dhaqanka Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo ay sheegeen inuu caga-jugleyn iyo hanjabaad ku hayo, halisna ku yahay shaqadooda.
Shir ay isugu yimaadeen saxafiyiinta Boosaaso ka howlgala oo ay ku sugnaayeen ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP iyo saxafiyiin hore looga dooday caqabadaha Saxaafayiinta iyo maamulka Gobolka Bari. Waxaana laga caddeeyay shir jaraa’id oo ay qabteen kulanka kadib Guddoomiyaha Bari uu xarig iyo qabasho la daba taagan yahay saxafiyiinta.
Tacadiyadii ugu danbeeyay ayay sheegeen saxafiyiinta inuu ka mid yahay amar lagu xirayo wariye Ibraahim Siciid Saalax oo la soo saaray oo saxafiyiintu ay ku tilmaameem sharci darro ah. Gudoomiye ku xigeenka Ururka suxufiyiinta Puntland Maxamed Maxamuud Welcome ayaa ugu baaqay Barlamaanka Puntland iyo Guddoomiyaha xuququl insaanka Puntland inay faragalin arintan ku sameeyaan.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]