Qaar ka mida saxafiyiinta iyo madaxda ururrada saxaafadda magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay bannaabax ay ku dalbanayaan in la sii daayo weriye in muddo ah u xiran ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xubnahan oo watay boorar uu ku sawiran yahay weriye C/wahaab Nuur Abuuja ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay xoriyadiisa degdeg ugu soo cliyan weriyaha oo muddo 40 maalmood ah u xiran ciidamada dowladda.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkan dambe cadaadis weyn saartay warbaahinta iyo suxufiyiinta Muqdisho.


