Saxafiyiinta Muqdisho ee ka socda saxaafadda madaxa bannaan ayaa laga joojiyey inay ka qeyb galaan fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya ee kalfadhiga 6-aad oo maanta dib u furmaya, kadib go’aan kasoo baxay guddoonka Golahaasi.
Wararka ayaa sheegaya in weriyeyaasha loogu yeeray Xarunta Villa Hargaysa oo laga hirgeliyey dhisme xarun u noqon doona Golaha Shacabka, kuna shiri doonaan, waxaana la hadlay Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka Federaalka Xildhibaan Khaalid Macow oo si cad ugu sheegay in saxafiyiinta aan meelna looga qorsheysn xarunta cusub, isla markaana aysan ka qeyb geli doonin fadhiyada Baarlamaanka.
Wuxuu sheegay in saxafiyiinta loo qorsheeyay in Kaamerooyin lagu xiraayo Gudaha si ay u duubaan fadhiga ka dibna Saxaafadda loo qaybin doono. Arrintan ayay si weyn uga hor yimaadeen weriyeyaasha Muqdisho, laakiin go’aankaas ayaa dhaqangalkiisa maanta bilowday.