Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaar garowga kulanka Baarlamaanka Federaalka ee la filayo inuu khudbad ka jeediyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo goor dhoweyd dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Kulanka oo labada aqal ee Baarlamaanka la isugu yeeray ayuu guddoonka Aqalka Sare sheegay inuusan ka warr qabin, laguna soo wargelin, waxaana xarunta Baarlamaanka xilligan ku qulqulaya xildhibaannada Federaalka, halka intii ku maqneyd magaalada Dhuusamareeb ay degdeg ugu soo laabteen caasimadda.
Wararka ayaa sheegaya in saxafiyiinta loo diiday inay galaan xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, iyadoo amarkaasina ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana socda dood ku saabsan arrintan, iyadoo ay bannaanka xarunta Baarlamanka dhooban yihiin saxafiyiinta halkaasi u tegay inay soo tebiyaan kulanka.
Kulanka oo uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn waxa uu kala hadli doono, balse dad badan ayaa saadaalinaya inuu muddo kordhin ka dalban doono Baarlamaanka, arrintaas oo la sheegay inay heshiis ku yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh.
