Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid heshiis lagu waday in maanta lagu saxiixo magaalada Garowe oo ku saabsan qaabka doorashada 2016 oo heshiis gaara Puntland iyo dowladda wada gaareen.
Qaar ka xubnihii Beesha Caalamka ee Garowe u tegay xaflada saxiixa heshiiska inay goobjoog ka noqdaan kadib markii Puntland dalbatay ayaa dib uga laabtay magaalada Muqdisho.
Safiirada dalalka Talyaaniga iyo Swedeniyo Wasiiro ka tirsanaa wafdigii xukuumadda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa galabta ka dhoofay magaalada Garowe.
Is-mari waa ka dhashay qaabka saxiixa heshiiska iyo damaanad qaadka fulintiisa ayaa keenay dib u dhac iyo faahfaahin kale oo looga baahday hadal uu maanta soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxda Puntland ay qoonsadeen.
Qodobada heshiiska Puntland dooneyso in loo saxiixo oo weliba damaanad qaad laga bixiyo ayaa waxaa ka mid noqday kuwo taabanaya dowladnimada, halisna ku ah dastuurka, welina waxaa socda dadaal lagu doonayo in heshiiska lagu badbaadiyo.
Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa wadahadal adag la yeeshay C/weli Gaas galabta una sheegay in rabitaanka Puntland ka weyn yahay wax ay Bulshada caalamka damaanad qaadi karto.
Dadaallada socda ayaa la filayaa in ilaa caawa is afgarad laga gaaro, iyadoo maalinta Beri ah lagu wado in heshiiska la saxiixo, waxaana Muqdisho ku sugan caawa wasiiro shir gaara la leh Madaxweyne Xasan Sheekh oo Garowe laga soo diray si ay ugu qanciyaan heshiiska.
Wadani.com