Laba ka mida Madaxweynayaasha sheegtay in loo doortay maamulka Jubbaland oo kala ah: C/naasir Seeraar Maax iyo xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa xaflad caleemo saar ah oo wadajir ah ku qabsaday magaalada Kismaayo,
Xafladan oo ahayd mid la yaab leh oo laba xil hal xil oo madaxweyne sheeganaya ayaa khudbado ka jeediyay halkaasi waxayna si weyn u cambaareeyeen wafdigii dowladda Kenya ee ka qeyb galay caleemo saarkii Axmed Madoobe, iyagoo shaaciyey inay taageersan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Anagoo kaashaneyna dowladeena Federaalka, isbedeldoonka Jubbaland wuxuu diyar u yahay inuu ku shaqeeyo caasimaddii dhabta ahayd ee Jubbaland ee Bu’aale..” ayuu yiri C/raxmaan Xiddig oo kor u haya sawirka Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay in sawirkii madaxweynaha Soomaaliya laga waayey.
Qorsaha isbedeldoonka Jubbaland ku doonayaan inay caasimadda Jubaland ku tagaan ayaa qeyb ka ah qorshe ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana arrintan ay hordhac u tahay qorshaha maamul u sameynta cusub ee dowladda Federaalka.
HOOS KA DAAWO