Senatoorkii ugu danbeeyay ee Aqalka Sare kasoo gala Maamulka Hirshabeelle ayaa caawa lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Zamzam Cabdullahi ayaa loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare, iyadoo taageero ka heysatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Horshabeelle, kadib markii ay ka guuleysatey Senator Naciimo Ibraahim oo hore ugu fadhiday kursigan.
Codkii loo qaaday doorashada kursigan ayay Zamzam Cabdullahi ku heshay codad gaaraya 77 cod, halka musharax Naciimo Ibraahim ay ka heshay 8 cod oo kaliya, waxaana sidaasi lagu dhawaaqay inay ku guuleystay Zamzam C/llaahi.
Kursiga ayaa dood weyn ka dhalatay, waxaana markii danbe laga dhigay kursi ay haween kaliya ku tartamaan, iyagoo ay isaga hareen laba musharax oo rag ahaa, oo ka baxay Doorashada, markii cadaadis xoog leh la saaray.
Waxaa soo gabagaboobay Doorashada 8-dii xubnood ee Aqalka Sare oo maamulka Hirshabeelle laga sugayey, waxaama hadda tirada la doortay aya gaartay 48 Senator, iyadoo ay hareen maamul Goboleedyada Jubbaland oo 4 Senator laga sugayo iyo Galmudug oo 2 Senator ku harsan yihiin.
