Qar ak mida Senatorrada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Maamulka Hirshabeelle ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay sida ay uga aamusan xaaladda ba’an ee ka jirta magaalada Beledweyne oo biyo fatahaad ah ay go’doomiyeen.
Iyagoo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Aqalka sare ayay sheegeen in xaladda adag ee fatahaadda webi Shabeelle ka geystay Baladweyn ay u baahan tahay tallaabo gurmad degdeg ah oo lala gaaro dadka ku barakacay.
Xubno ay ka mid yihiin senatoorada: Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), Naciima Ibraahim Yuusuf, Maxamed Xuseen Raage iyo Cismaan Axmed Macow ayaa xukuumadda Soomaaliya ku dhaliilay inay ka aamusan tahay xaaladda ba’an ee ka jirta magaalada Beledweyne.
Ugu dambeyntii, Senatorrada laga soo doortay Hirshabeelle waxaa ay hey’adaha gargaarka iyo beesha caalamka ugu baaqeen in ay wax u qabtaan dadka dhibaateysan.