Senator Cabdi Dhuxulow Dheg-dheer oo kamida xildhibaannada caanka ah ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in qaar ka mida istaafkiisa lagu dilay, qaarna lagu lagu la’ yahay weerarkii Alshabaab ee Caawa.
Darawalkii Senatorka ayaa ku geeriyooday, Askar katirsan Ciidamada ilaaladad u ahna way ku dhaawacmeen, halka askar kalana lagu la’ yahay weerarka sida uu sheegay Senator Dhegdheer. Dheg-dheer ayaa u tacsiyeeyey dhamaad dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi, wuxuuna sheegay inuu ku sugnaa Xiliga uu dhacayay Hotelka Doorbin Degmada Shibis.
Senator-ka ayaa bartiisa FB kusoo qoray farriin ku saabsan qasaaraha kasoo gaaray Qaraxii is maadaaminta ahaa ee ka dhacay KM 0 oo hotelka cusub ee Doorbin ku yaallo.