Senator ka tirsan Guddiga Arrimaha dibadda ee Koongareeska Mareykanka Bob Corker ayaa shaaciyey sir ay dilka saxafiga Jamal Kashoqgi ka qoreen Sirdoonka Mareykanka.
Senator Bob Corker oo laga soo doorto Gobolka Tennessee, kana mida senatoorada ugu cadcad ee xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in sida ay sheegayaan warbixinnada uu arkey ee ay diyaariyeen Sirdoonka Mareykanka in dilka Jamal Kashoqgi uu ka dambeeyay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, ayna lagama maarmaan tahay tallaabo laga qaado.
Wuxuu intaas ku daray in warka ay faafisay Boqortooyada Sacuudiga aanay ku kalsoonaan karin, isla markaana aysan jirin cid aamineysa, isagoo sheegay inaysan rabin inuu Sacuudiga xukumo 40 sano uu hadda dhiman nin amray dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi.
Senatorka Bob Corker oo ka mida saaxiibada madaxweyne Trump ayaa hore u difaaci kiray xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka, wuxuuna mar qura isbedelay kadib dilkii Saxafiga Jamal Kashoqgi, isagoo qosyka boqortooyada Sacuudiga hore ugu baaqay inay keenaan shaqsi bedela Mohamed Bin Salman.