Baarlamaanka Hirshabelele ayaa goor dhoweyd soo gabagabeeyay Doorashada kursi ka tirsan Aqalka Sare oo ka mida 3 kursi oo harsanaa.
Kursigan waxaa ku tartamay safar musharax, waxayna natiijada wareegga koowaad ay noqotay sida soo socota:
1- Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo kursiga Difaacanaya: Wuxuu helay 38 cod
2- Axmed Maxamed Cali (Af-caddey): Wuxuu helay 49 cod
3- Yuusuf Macalin Xasan (Fila-dheere): wuxuu helay 3 cod
4- Iyo Daaha Muxyadiin Sh. Daa’uud: Wuxuu helay 6 cod
Waxaa tanaasulay Musharax Daaha Muxyadiin, iyadoo sidaasi loogu gudbay wareegga saddexaad oo cod dheeri lagu kala baxayo. waxaana halis xoog leh wajahaya Musharax Senator Maxamed Amiin oo qarka u saaran inuu difaacan waayo kursiga, loogana guuleysto loolanka adag.
Waxaa loo gudbay wareegga labaad, kadib markii uu mkusharax ku guuleysan waayey inuu helo aqlabiyadii loo baahnaa, waxaana tartanka adag uu dhex marayaa Musharax Axmed Af-caddey iyo Sanator Maxamed Amiin.
