Sheekadan waxaa ay dhex-martey xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo iyo qodobbo ka mid ah dastuurka. Sidan ayayna u dhacaysaa:
Dastuurka Qodobka 50: Mabaadii’da federaalka waxaa ka mid in xukuumadda federaalka iyo kuwa dawlad gobolleedyada ay joogteeyaan xiriiro iskaashi, istaageerid, kuna dhisan dareen midnimo qaran wixii khilaaf ahna lagu xalliyo wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.
Xukuumadda: Gebi ahaanba waa in laga takhalusaa nidaamka federaalka si awoodda gacanteenna ugu soo dhacdo. Waxaan la dirireynaa dawlad gobolleedyadyada dadkana waan nacsiineynaa federaalka arrintaasna meel fiican ayay noo mareysaa. Haddii laga fursan waayo waxaan dawlad gobolleed kasta gaynaynaa mid anaga aan magacowno oo naga amar qaata waxaana ku tijaabinaynaa Koonfur Galbeed.

Qodobka 69: Awoodda Baarlamaanka Federaalka waxaa ka mid ah laxisaabtanka iyo korjoogteynta dhammaan hay’adaha Dawladda.
Xukuumadda: Maya wax aan ammaan ahayn ma oggolin. Gudddoonka iyo Guddiyadabahaddii ay isku dayaan la xisaabtan, motion ayaan ka keeneynaa (Jawaari), waankala jabinaynaa waana kala direynaa (Guddiga Maaliyadda).
Qodobka 70: Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka waxaa ay leeyiihiin xasaanad, dhibaatana kama soo gaari karto fikradooda ama codkooda.
Xukuumadda: Mayeey, xasaanad wax la yiraahdo ma jiraan, xildhibaankii naga ra’yi duwanaada waan weerareynaa waxaana ku shaabadeynaynaa QARAN DUMIS (Senator Cabdiqaybdiid oo kale).
Qodobka 92: Xilka ka qaadista Madaxweynaha waxaa soo jeedin kara 1/3 Golaha Shacabka marka lagu soo eedeeyo denbiyo culus iyo ku xadgudub Dastuurka.
Xukuumadda: Mayeey waxaas waa Qaran dumis, dulmi iyo Dawlad-diid. Xoriyaddan ka qaadeynaa xabsina waan dhigaynaa qofkii waxaas ka shaqeeya sida Mursal oo kale.
Qodobka 109A: Waa in la sameeyaa Golaha Adeegga Garsoorka oo uu ku jiro Garsooraha Maxkamadda Dastuuriga.
Xukuumadda: Maya, Haddii Golahaas la sameeyo awoodeena ayaa hoos u dhacaysa maxkamad ayaana nala soo saarayaa sidaas darteed ha sugin Golahaas iyo Maxkamad Dastuurba.
Qodobka 4: Shareecada Islaamka ka sokow, aniga ayaa ah Sharciga dalka ugu sareeya xukuumaduna waa inay ii hogaansantaa.
Xukuumadda: Maya waxaas oo dhan inaan bedelno ayaan rabno oo aan wareegto ku maamulno wadanka.
Dastuurka: Ma saas baa, kuwo i ixtiraamo Allah keeno
W/Q: Xuseen Shiikh Maxamuud
Sanatar ka tirsan Aqalka Sare