Wareegii koowaad ee Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhoweyd soo gabgaboobay, iyadoo ay ku tartameen 7 musharax.
Natiijada codadka la dhiibtay wareegii koowaad ayaa noqotay sida soo socota:
1- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe : 74
2- Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur: 98
3- Xildhibaan C/laahi Aadan Axmed Black: 33
4- Xildhibaan Saadaq C/laahi Cabdi: 5
5- Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig: 6
6- Xildhibaan Aadan Maxamed Nur (Saransoor): 23
7- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla: 13
Waxaa koowaad ku horeeya Musharixiinta kala ah: Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe, Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, waxaana ku xiga Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor iyo C/llaahi Aadan Axmed Black.
Xasan C/nuur oo codadka ugu badan heysta wareegga koowaad ayaa taageero ka heysata taageerayaasha Farmaajo iyo K/Galbeed, waxaana la rajeynayaa inaysan wareegga labaad wax badan u kordhin.
Waxaa wareega labaad u gudbay afarta mushrax ee ugu codad badan, waxaase tanaasulay Aadan saransoor iyo C/llaahi Black, iyadoo wareegga labaad lagu kala baxayo cod hal dheeri ah, iyadoo uu trtanku u dhaxeeyo Sheekh Aadan Madoobe iyo Xasan Cabdinuur.
