Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay olaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur galbeed.
Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo ka tirsan 135-ta oday iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulankooda waxaa looga hadlay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee uu ku baaqay Guddoomiyaha iyo sidii Alshabaaba looga xorreyn lahaa degaannada maamulka K/Galbeed.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa Duubabka dhaqanka ka talageliyay arrimaha dib uheshiisiinta si loo gaaro midnimo iyo isku-tashi, waxeyna si buuxda u taageereen shirka, iyagoo isla adkeeyey in meel looga soo wada jeesto kooxda arxan-laawayaasha ah.
Sidoo kale Golaha Malaaqyada Dhaqanka ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ka dalbaday in si deg deg ah loogu dhawaaqo maalinta uu farmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha K/Galbeed oo hore u soo dhoweeyay shirka uu wado ayaan hadda la ogeyn mowqifkiisa, iyadoo ay jiraan diidmo ku saabsan cidda kasoo qeyb galeysa.
