Sheekh Cali Wajiis oo ka mida culimada sida weyn u taageersan Madaxweynaha Soomaaliy, lana sheego inuu la-taliye u yahay ayaa ka digay halista ka imaan karta haddii aan heshiis laga gaarin doorashada soo socota ee dalka.
Sheekha oo ka hadlay masjid ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada, wuxuuna soo qaatay Geeridii Nebiga SCW iyo sidii ay hoggaanka isugu qabteen saxaabadii Muhaajiriinta iyo Ansaarta.
Sheekh Cali Wajiis ayaa caddeeyay in loo baahan yahay doorasho heshiis lagu yahay oo dalka ka dhacda, wuxuuna ka digay in waqtigu dhammaado iyadoo aysan doorasho dhicin oo la iska ilaaliyo inuu dalku meel cad ku soo dhaco, iyadoo aanay doorasho dhicin muddo xilkeedkii dowladana ay dhammaato.
“Soomaali haddii aan nahay is qabqabsi ayaa jira. Laba aragti ayaa jirta mid waxaa qabta dowladda oo ah in doorasho qof iyo cod ay dhacdo, taasina la iskuma raacsana haddii ay ka baxdo xilligii dowladda, lagumana heshiin, haddii dowladda ay ku adkeysato inay doorashadaas qabaneyso oo waqtigeeda ka baxsan. waxaa cad mucaaradka iyo maamul Goboleedyada aysan ogolaaneynin, waxayna ku doodayaan hal maalin haddii waqtigu idinka dhammaado ma joogi kartiin… marka dalku halis ayuu gelayaa..” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.
Wuxuu intaas ku daray baahida loo qabo in la isu soo jiido siyaasiyiinta si heshiis looga gaaro. “Khatarta la wajahaayo waa haddii dowladda hadda jirta aysan xilligii loogu tala galay oo sharciyadeydii afarta sano aheyd aysan doorasho ku qaban, ragga mucaaradka iyo siyaasiyiinta aysan soo tanaasulin oo aysan ogolaanin muddo intee la eg hala ekaato inta Xaliima Yarey sheegtay ha noqoto ama ka yar ama ka badan muddo loogu tala galay in doorasho ay dhacdo noocee doonto ha ahaatee aysan ku heshiin madaxda qaranka, maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta, dalku markaas firaaq ayuu galayaa waana khatar, taasaa marka u baahan in qeybaha bulshada culimada, ganacstada inay ka shaqeeyaan in la isu soo jiido siyaasiyiinta, mucaaradka iyo dowladda hada talada heysa intaba si dalka khatar u gelin” ayuu talo ku soo jeediyey Sheekh Cali Wajiis.

Dhinaca kale wuxuu Sheekh Cali Wajiis la taliyey taageerayaasha dowladda oo hal dhinac wax ka arka isagoo sheegay inaan loo baahneyn talo hal dhinac ah oo la siiyo madaxda dowladda.