Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa caawa soo gabagabeeyay dagaal ka dhex socday Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, markii maxaabiis Alshabaab oo hub helay ay dagaal ku qaadeen ilaalada xabsiga.
Afar ka tirsan maxaabiistii Alshabaab ayaa la sheegay in la toogtay, iyadoo doonayey inay ka baxsadaan xabsiga. “Ciidamada Amniga ayaa toogtay 4 maxbuus oo isku dayey inay ka baxsadaan Xabsiga, waxaa jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ilaalada xabsiga, xaaladda Xabsiga hadda waa mid daggan, majiraan maxaabiis baxsatay..” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta oo aan bixin faahfaahin kale.
Maxaabiista Alshabaab ee la dilay ka sokow waxaa dagaalka ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ku dhintay askar iyo dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay 6 qof, waxayna wararku sheegayaan in mid ka mida maxaabiista xabsiga ka baxsaday iyadoo bannaanka xabsiga ku dilay qof shacab ah, kuna cararray Mooto.
Ma cadda sida maxaabiista Alshabaab ee ku jirtay Xabsiga Dhexe ku heleen hubka, waxaase la xaqiijiyey inay adeegsadeen lix Bam gacmeed, Laba Bistoolad iyo Qori ay ka disheen askari ka mida ilaalada Xabsiga.
Maxaabiistan la dilay ee dagaalka ka sameysay gudaha Xabsiga Dhexe ayaa la sheegay inay u xirnaayeen qeybta xabsiga maxaabiista ku xukuman xabsi daa’in. Waxaana dagaalka oo socday saacado lasoo gabagabeeyay fiidkii caawa, iyadoo la qabtay laba ka mida maxaabiista oo dhaawac ahaa.
Waa falkii labaad ee Xabsiga Xamar ka dhaca oo maxaabiis ka tirsan Alshabaab ay ku lug yeeshaan, qaarkoodna baxsadaan iyadoo aan wax tallaabo laga qaadin, waxayna dhacdadan fadeexad ku tahay maamulka xabsiga ee ciidamada Asluubta.