Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Shacab laga burburiyey Dhisme Dhul ay lahaayeen oo Dacwad ku soo oogay Guddoomiyaha G/Banaadir [Akhriso]

    Shacab laga burburiyey Dhisme Dhul ay lahaayeen oo Dacwad ku soo oogay Guddoomiyaha G/Banaadir [Akhriso]

    June 26, 2018Updated:June 26, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dad shacab ah oo laga burburiyey dhisme ku yaalla  Xaafadda Carafaar ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa dacwad ku soo oogay Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhowaan amray in la burburi dhisme ku yaallay garoonkii Jeenyo.

    Dadkan ganacsato iyo  waxgarad isugu jira ayaa saxaafadda la hadlay iyadoo soo bandhigay sharci ay dhulkaasi u heysteen, waxayna caddeeyeen in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) uu shaqsiyan ku qancay sharcigooda, haddana uu si degdeg u fuliyay burburinta dhismahooda.

    Dr. Aweys  Cali Siyaad oo ku hadlay magaca dadka leh dhulkaasi ayaa ku eedeeyay guddoomiye Yariisow inuu hantidooda si sharci darro ah ku burburiyey, iyadoo aan la siin waqti, xilliguna uu ahaa Ciid.

    Hoos ka akhriso war-saxaafadeed ay soo saareen

    Cabsho bururin hanti iyo dhul gaar looleyahay

    Annagoo ah  muwaadiniin dhibanayaal ah, kuwasi oo laga bur-buriyay hanti, iyo dhulal ku yaalla xaafadda Carafaat ee Dagmada Yaaqshiid, waxaan  u sheegaynaa Madaxda Dowladda Fedaralka Soomaaliya, iyo dhammaan umadda  Soomaaliyeed qodobada soo socda, kuwaasi oo ku saabsan dhulka lagu hayo bur-burinta iyo boobka ee aan kor kusoo xusnay.

    Waxaan si ay kalsooni ku dheehan tahay, u cadeyneynaa in dadka laga bur-buriyay hantidooda laguna takrifalay  dhulkooda ay u haystaan sharciyo iyo dukumentiga lahaansha dhulkaasi kaasi oo si sharci ah  u soo baxay xilligii Dowladdii Maxmed Siyaad Barre.

    Dhamaan sharciyadda lahaanshaha dhulkaasi waa mid laga helayo diiwanka dhulka ee dowladda hoose. Dhulkaan dhismihiisu waxa uu heestaa fasaxa dowladda hoose ee Xamar.

    Dhulkaan iibsashadiisa waxaa lagu kala wareegay nootaayinka sharciga ah sida nootaayada Amiin Xasan Cadde.

    Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxman Cumar Yariisow qiray sharci ahaansha dukumintiyada dhulkaan.

    Haddaba waxaan madaxda dowladda sida madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamanka iyo ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha iyo dhammaan hay’adaha cadaaladda ka codsaneynaa in ay soo farageliyaan boobka iyo burburinta lagu hayo dhulkeenna.

    Ugu dambeyn waxaan mar kale caddeyneynaa  in aan ku kalsoonnahay in lagu kala baxo sharciga diyaarna u nahay waxa uu sharciga go’aamiyo.

    Carafaat G/Banaadir Garoonkii Jeenyo Guri Top Yaaqshiid Yariisow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaarax Macalin: “Kawaanlihii Tigreega ahaa ee Gen. Gabre wuxuu maanta raadinayaa meel uu isku qariyo..”
    Next Article Wafdi heer sare ah oo ka socda Ereteriya oo si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Addis ababa [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo