Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Shan waxyaabood oo Fahad Yaasiin ka bedelay Madaxtooyada Villa Somalia [Akhriso Qormo xiiso leh]

    Shan waxyaabood oo Fahad Yaasiin ka bedelay Madaxtooyada Villa Somalia [Akhriso Qormo xiiso leh]

    January 29, 20183 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Villa Somalia waxaa ka muuqda isbedel dhinacyo badan ah tan iyo markii furaheedda loo dhiibay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. 10-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaan dersaayay waxyaabaha sidda degdegta ah isku badalay tan iyo markii Fahad Yaasiin lagga dhigay agaasimaha madaxtooyadda.

    Waxaan la hadlay howl-wadeenno badan oo ka tirsan Madaxtooyadda, 2 jeer oo aan agaasime Fahad Yaasin la kulmay intii uu xafiiska joogay oo aan la sheekeystay waxaa iiga muuqatay inuu yahay nin ay ka go’an tahay in Villa Somalia ay noqoto meel ka turjumi karta wax lagga aaminsan yahay, waxaan halkaan kusoo koobay shan is badal oo Villa Somalia ka hir galay samanka Fahad Yaasiin.

    1- Dhismaha

    Villa Somalia waxey aheyd meel xaafad u ah siyaasiyiin hore, caruur ay madax hore dhashay, masuuliyiin hadda xil haya iyo dad caadi ah, waxey aheyd sidda guri la kala kireysto , furaha qolkii wuxuu gaaray $5000 (shan kun oo dollar ) madaama aad heysto ilaallo lacag la’aan ah, biyo iyo koranto bilaash ah, waxaa la gaaray heer ay shaqaalaha madaxtooyaddu waayaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

    Fahad wuxuu go’aan ku gaaray in xubnahaas lagga saaro Mdaxtooyadda oo qolalkaas la dayactiro kadibna lagga dhigo xafiisyo laggu shaqeeyo wuuna ku guuleystay taas, waxaa mudooyinkaan oo dhan gudaha madaxtooyadda meello ka mid ah ka socday dayactir.

    La-taliyaal iyo waaxyo meel ay ku shaqeeyaan waayay ayaa hadda helay xafiisyo, dadkii daganaa ayaa dhamaan banaanka guryo ka dagay , tani waxey noqotay arin aad looggu amaanay Fahad Yaasin.

    2-Maaliyadda

    Intii aan u kuur galaayay is badaladda madaxtooyadda Somalia waxyaabaha isoo jiitay waxaa ka mid ah inuu hoos u dhacay 30% qarashkii ku bixi jiray Villa Somalia, Aamino Saciid oo ah ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda waxey ku guuleysatay iney hakiso qarash badan oo meelo cidlo ah ku bixi jiray, waxaan la hadlay shaqaalaha nadaafadda iyo kuwa cuntadda oo ii muujiyay inuu yimid isla xisaabtan adag, midbaa iggu yiri tusaale iskoobaha dhulka laggu xaaqo markii hore qiimaha laggu keenni jiray iyo midka hadda laggu keeno $10 dollar ayaa u dhaxeysa halkii xabo waana arin aad iiga yaabisay.

    3-Xiligga shaqadda

    Villa Somalia waxaa ka muuqata in la shaqeynaayo saacaddo dheeri ah, 2 jeer oo aan xili habeen ah tagay waxaa ii muuqday howl wadeenno badan oo shaqeynayay, xitaa agaasime Fahad xili habeen ah ayuu dad qaabilaa, waxaan ka mid ahaa dad uu habeen shaqo qaabilay. Shaqaalaha qaar oo aan la hadlay waxaan ka dareemay maqsuud badan iyo iney la jaan qaadayaan aragtidda maamulka cusub ee ah inuu qof walba masuuliyad isi saaro uuna u hogaansamo isla xisaabtanka.

    4-Warfaafinta

    Villa Somalia waxey muddo kadib xiriir fiican ka heshay saxaafadda ,dhamaan warbaahinta gaar ahaan TV-yadda Soomaalidda oo dhan waxaa ay matalaad ka heleen madaxtooyadda, xurumaha warbaahinta waxaa ay lee yihiin wariyaal qaas ah oo ugga soo warama madaxtooyadda, isku soo dhowaanshaha saxaafadda iyo Villa Somalia waxaa sahlay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda kaas oo markiisii hore xubin sare ka ahaa ha’yadda ka shaqeeya arimaha warbaahinta iyo sidoo kale Fahad Yaasiin oo markisii hore ahaa madaxa Tv-ga Al-Jazeera ee geeska Africa.

    Tani waxey sahashay iska war qabka saxaafadda iyo madaxtooyadda, waxaa kaloo yaraaday in xoggo aan jirin oo madaxtooyadda ku saabsan la faafiyo.

    5-Ku biirista Villa Somalia

    Villa Somalia waxaa ay soo martay marxalad sheegeysa in mar walba ay shaqaaluhu u bataan qaraabadda madaxweynaha ama qaraabadda agaasimaha markaas xilka haya, laakiin 8dii bilood ee uu xafiiska joogay Fahad Yasin waxaa adkaatay xubin ka noqoshadda Villa Somalia, waxaa suulay dhaqankii ahaa in mar walba ay madaxtooyadda qabsadaan qoyska madaxwynaha markaas xilka haya, tani waxey noqotay arin aad looggu bogaadiyay taliska Fahad Yasin.

    Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

    Fahad Yaasiin Farmaajo Madaxtooyada Villa Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleYuusuf Dabageed oo kashifay Lacagihii lagu kala qaatay Doorashadii kursiga Beesha Cali Madaxweyne [Dhageyso]
    Next Article Sare u kaca iyo hoos u dhaca Siyaasiga Sanbaloolshe [Warbixin]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo