Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Shanta Qodob ee la isku hayo Doorashada Soomaaliya & Xalku loo heli karo (Akhriso Qormo muhiim ah)

    Shanta Qodob ee la isku hayo Doorashada Soomaaliya & Xalku loo heli karo (Akhriso Qormo muhiim ah)

    December 16, 2020Updated:December 16, 20207 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    W/Q: Afyare Cabdi Cilmi

    Kulankii beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ee 07/12/2020 waxaa culeyska ugu weyn lagu saaray hawlaha la xiriira doorashooyinka dadban ee lagu muransan yahay ee 2020.

    Diblumaasiyiinta ka qeyb-gashay kulankaa waxay ku celceliyeen in la fuliyo heshiiskii ay madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu gaareen bishii Septmber 17, 2020. Sidoo kale, wakiilladii ka socday beesha caalamku waxay ku canaanteen madaxda iyo mucaaradka Soomaalida in doorashada dadban ay waqtigii loogu talagalay dhacdo, islamarkaasna mucaaradku aysan nidaamka ka bixin oo aysan nidaam kale samayn.

    Runtii, waa ayaan darro weyn in iyadoo laga heshiiyey mabaadidii, haddana guddiyada garsooraya iyo hab-raacyada lagu hirgelinayo lagu kala tegay.

    Maxaa la isku hayaa?

    Dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu waxay saxiixeen heshiis ka kooban 15 qodob. Inta badan, qodobbada heshiisku waa waxyaalo mabaadi’ ah.

    Tan ugu muhiimsan waa in la isla gartay in doorasho dadban oo la mid ah middii dhacday 2016 la aado. Waxa kaliya oo ay uga duwan tahay doorashadani tii kal hore waa in lagu heshiiyey in magaalo labaad lagu kordhiyo, ergada dooranaysa xildhibaan kastana la gaarsiiyo 101.

    Haddaba, waxaa soo if-baxay shan qodob oo la isku-maandhaafsan yahay. Waxayna kala yihiin magacaabista guddiyada garsooraya doorashada, magaalada labaad, qoondada haweenka, nidaamka loo marayo doorashada xubnaha Soomaalilaand, iyo habka loo soo xulayo ergada dooranaysa xidhibaannada Aqalka Hoose.

    1: Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay sameysteen hab-raacyo aan dhameystirneyn, islamarkaasna waxay isku dayeen inay hirgeliyaan heshiiska ay gaareen.

    Waxay soo magacaabeen guddiyo doorasho iyo kuwa xallinta khilaafaadka doorashada. Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay soo magacaabeen shaqaalahooda, saaxiibadood iyo qaraabadooda. Waxayna ku sababeeyeen in madaxdii joogtay 2016 ay sidaas oo kale yeeleen. Sidaas darteedna ay iyagana u bannaan tahay inay taageerayaashoodu garsooraan doorashada dadban ee 2020.

    Taasi waxay keentay in kalsoonida oo awalba yareyd ay sii dhimato. Mucaaradku waxay kaga jawaabeen inay iyaguna cirka ku sii shareeraan mushkilada. Waxay sameeyaan guddi u gaar ah, waxayna ku hanjabeen inay nidaamka oo idilba ka baxayaan oo ay samaynayaan mid kale oo barbar-socda kan dowladdu hoggaaminayso.

    2: heshiiska doorashada dadban wuxuu dhigayaa in maamul-goboleed kasta uu laba magaalo ku qabto doorashada dadban. Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay hab-raacyada qabyada ah ku sheegeen in loo asteeyey inay magaaalooyinka labaad noqdaan Garbahaarreey, Baraawe, Beledweyne, Gaalkacyo iyo Boosaaso.

    Haddaba waxaa soo baxay duruufo siyaasi ah, kuwa ah amni iyo kuwa farsamo ah oo ku xeeran sidii doorashada loogu qaban lahaa magaalada labaad. Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ku dooday inuusan maamulin gobolka Gedo intiisa badan. Wuxuuna codsaday in lagu soo wareejiyo gobolka Gedo maamulkiisa inta aysan doorasho ku qaban. Sidoo kale, waxaa soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheegaya in maamulka Jubbaland iyagoo kaashanaya ciidamada Kenya ee jooga gobolka ay doonayaan inay magaalada Ceelwaaq u wareejiyaan doorashada.

    Dowladda dhexe waa diidday arrinkaas. Welina waa ay taagan tahay mushkiladdaasi. Dhanka kale, waxaa su’aal la galinayaa tabarta ay dowlad-goboleedyadu u leeyihiin inay ku qaban karaan doorasho magaalo labaad. Taa waxaa wehliya xaaladda siyaasadeed ee kacsan ee ka taagan magaalooyinkaas ka sokow, helitaanka dhaqaalaha iyo ciidanka amniga ee looga baahan yahay si magaalooyinkan loogu qabto doorasho.

    3: heshiiska doorashadu wuxuu siinayaa awoodda soo xulista ergada dooranaysa xidhibaanka odey-dhaqameedka, bulshada rayadka iyo dowlad-goboleedka. Dad badani waxay u fahmeen qodobkaan in madaxdu ay doonayaan inay ku boobaan doorashada.

    Waxaa la is-weydiinayaa haddiiba uu qabiil leeyahay kursiga maxaa dowlad-goboleed uu siyaasi hoggaamiyo iyo bulsho rayad ka galay ergada? Taas waxaa dheer inay jiraan odoyaal-dhaqameed ay siyaasiyiintu sameeyeen iyo musuq-maasuq badan. Waxaa kale oo jira kuwa meel ugu xareysan madaxda.

    Haddana sidaa oo ay tahay, doorashooyinkii dadbanaa sanadihii 2000, 2004, 2012 iyo 2016 waxaa awoodda soo magacaabista xildhibaanka ama soo xulista ergada la siiyey odey-dhaqameedka. Waxaase xaqiiqo ah in laga bartay doorashooyinkii dadbanaa ee 2016 iyo kuwii ka danbeeyey ee gobollada ka dhacay dhaqan xun oo uu qof musharrax ah qoranayo odey-dhaqameed, ergo uu isagu leeyahay, dabadeedna uu keensanyo malxiis la tartama.

    4: heshiiska doorashada ee baarlamaanku ansixiyey wuxuu kaga hadlayaa doorashada xildhibaannada Soomaalilaand laba qodob. Labadaa qodob waxay sheegayaan in doorashadu ka dhacdo Muqdisho iyo in ergo wadajir ah ay doortaan xubnaha aqalka sare.

    Heshiisku kama hadlayo sida guddiyada garsooraya doorashada Soomaaliland lagu soo xulayo. Ha yeeshee, waxaa jira qodobbo ku jira hab-raacyada ay dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu isku raaceen oo awoodda magacaabista guddiyada siinaya xukuumadda. Waxaa go’aanka ka horyimid siyaasiyiin u hoggaaminayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

    Waxay siyaasiyiintani ku doodayaan waa in uu Cabdi Xaashi magacaabo guddiga maaddaaama uu isagu yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxaa sii fogeeyey arrinkan markii murashixiinta madaxnimada raadinaya ay ku baaqeen in teendhada Afisyooni lagu qabto doorashada xubnaha Soomaalilaand ee labada aqal.

    5: Ugu danbeyntii, heshiiska doorashada dadban wuxuu qorayaa ilaalinta qoondada haweenka oo ah 30% xildhibaannada. Waxaa la yaab leh inaan illaa iyo hadda aysan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyaduba sheegin hannaanka loo marayo ilaalinta qoondada haweenka. Mar waxaa la soo jeediyey in kuraasta ay hadda gabdhuhu heystaan loo gooyo oo ay iyagu ku tartamaan.

    Haddiiba sidaa la yeelo gabdhuhu waxay yeelanayaan 24%. Weli waxaa ka maqnaanaya 6%. Waxaase jirta in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu ay qoondada haweenka u adeegsadaan hab siyaasadeed oo ay kula dirirayaan qolyaha ka soo horjeeda. Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga hab-raaca lagu ilaalinayo qoondada haweenka.

    Maxaa Lagu Xallin Karaa Khilaafka?

    Waxaan rumeysanahay in waxa la isku hayo ay yihiin wax aad u sahlan, islamarkaasna heshiis degdeg ah laga gaari karo. Waase haddii ay madaxdu xal-doon yihiin. Waxaan qabaa inay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu dib ula noqdaan guddiyada ay magacaabeen, islamarkaasna ay la yimaadaan dad caddaalad iyo dhexdhexaadnimo laga dugsanyo.

    Waxaa jira dad badan oo culumo iyo bulsho rayad leh oo u garsoori kara dadka ku tartamaya kuraasta. Waxaa habboon in kursi kasta uu tartan ka dhaco oo aysan noqon murashax wata odeygiisa, ergadiisa iyo manxiiskiisa.

    Waxaan qabaa in la samayn karo arrinkan. Sidoo kale, maaddaama ay tabartu yar tahay, waqtiguna gaaban yahay, waxay u muuqataa inay lama-huraan noqon doonto in doorashada dadban ee 2020 ay ka dhacdo maamul-goboleed kasta hal magaalo.

    Waxaa ila quman in heshiis siyaasadeed ay gaaraan siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaalilaand. Mar haddiiba ay qasab tahay in la baadi-goobo dad dhex-dhexaad u noqon kara dadka ku tartamaya xilalka, waxaa habboon in garabyada iska-soo horjeedaa ay ka heshiiyaan hab-raacyada iyo cidda u garsooreysa. Waa joogaan wax-garad ka garnaqi kara arrinka.

    Ma qabo in xukuumadda ama guddoomiyaha Aqalka Sare midkoodna uu go’aan si gaar ah uga gaaro. Taasi waxay noqoneysaa ku-shubasho. Dhanka kale, qoondada haweenka waxaan ku talinayaa in madaxda dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu ay soo bandhigaan waddada loo marayo.

    Waxaan rajeynayaa inaan siyaasad ahaan la iskugu adeegsan oo si wanaagsan looga baaraan-dego. Marka ay timaaddo soo xulista ergada, waxaan ku talinayaa in qabiilka iyo odeygiisa la isku daayo oo laga saaro doorka bulshada rayadka iyo dowlad-goboleedka soo xulista ergada. Dabcan, waan fahamsanahay in xaalka oday-dhaqameedyo badan uu yahay Allow-sahal. Way fiicnaan lahayd in dadweynuhu ay dooranayaan dadka matala. Laakiin maanta halkaas ma joogno.

    Ugu dambeyntii, waxaan rajeynayaa in aan mar kale loo baahan canaanta Beesha caalamka iyo tusaalooyinka quursiga ah ee diblumaasiyiinta. Fiicnaan lahaydaa in madaxda Soomaalidu gartaaan inuusan harin waqti la isku dhibo ama lagu ficiltamo.

    Marka la soo koobo, waxa la isku hayaa waa sameynta hab-raacyo (process) loo siman yahay iyo magacaabista guddiyo dhexdhexaad ah oo u garsoora kooxaha tartamaya. Haddii intaas la sameyn waayo sidee la rabaa in lagu maamulo doorasho ay dadka oo dhan codeynayaan? Waxaan ku dhiirrigelinayaa inay xusuustaan madaxda Soomaalidu dhibaatooyinkii ka dhashay doorasho lagu takri-falay iyo dimoqraadiyad la dumiyey halka ay gaarsiiyeen dalka iyo dadka.

    Sida dhacday hadda ka hor, waa inaysan madaxdu khilaaf siyaasadeed ku xallin xoog aysan lahayn iyo qasab. Waana inaysan madaxda dowladdu u adeegsan ololahooda doorashada hey’adaha amniga, garsoorka iyo dhaqaalaha dalka waayo taasi waxay dhaawici doontaa sharciyadda hey’adahaas. Sidoo kale, waa inay mucaaradku joojiyaan kicinta xamaasad dadka. Xalku waa dhaw yahay ee yaan la fogeyn. WAR HOOY KA JOOGA.

    Dr. Afyare Cabdi Cilmi waa bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Qatar, oo wax badan ka qoray doorashooyinka Soomaaliya.

    Afyare Cilmi Khilaafka Doorashada Xalka Khilaafka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDil toogasho ah oo lagu xukumay laba ka mida Maleeshiyada Alshabaab u qaabilsanaa Dilalka Qorsheysan
    Next Article Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi oo joojisay dhammaan Adeegyadii ay bixin jirtay

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo